Dibed baxyo weli ka socda Maraykanka

Lahaanshaha sawirka
Image caption Dibed baxayaasha ayaa dalbanaya in la joojiyo dilka ay booliska Maraykanka u geysanayaan ragga madow.

Kumannaan qof ayaa magaalooyin ka tirsan Maraykanka ka dhigaya dibed bax ay uga soo horjeedaan, dilal ay todobaadkan booliska u gesyeen laba nin oo madow ah.

Dibed baxyada oo si nabdoon ku dhacaya, ayaa waxa ay hareeyeen magaalooyin ay ka mid yihiin Atlanta, New Orleans iyo New York.

Waxa ay kusoo beegmayaan maalin ka dib markii uu nin hubaysan shan askari oo boolis ah dilay, xilli ay ilaalinayeen dibed bax ka dhacayay magaalada Dallas.

Baadari Jesse Jackson, oo u ololeeyay xuquuqda dadka rayidka ah, ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dilka loo geystay askarta, balse aanay taasi ka reebeyn in ay u ololeeyaan sidii loo soo afjari lahaa dilka lagu hayo ragga madow.

Dhanka kale, booliska ayaa aqoonsaday ninka ka dambeeyay toogashadii Dallas, waxaana magaciisa lagu sheegay Micah Johnson, oo ah 25 jir ciidammada ka fadhiistay.

Ninkaasi ayaa lagu dilay goobta uu toogashada ka geystay, ka dib markii ay booliska u adeegsadeen robot bam lagu xiray.