Bernie Sanders oo taageeray Hillary

Bernie Sanders ayaa si rasmi ah u taageeay Hillary Clinton oo uu la tartamayay musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga Dimoqraadiga ee Maraykanka.

Olole ay ku qabanayeen qabanayay New Hampshire, Mr Sanders ayaa shegay inuu wax walba samayn doono, si ay ugu guulaysato doorashada madaxweynenimada bisha November.

Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in la joojiyo Donald Trump inuu guulaysto. Waa markii ugu horaysay ee labada senator ay isla wada ololeeyaan.