Britain oo isku diyaarinaysa ka bixida EU

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption London ayaa xarun u ah shirkado badan oo caalami ah oo ay saamaynayso ka bixida Midowga Yurub.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Britrain, Philip Hammond, ayaa sheegay in London ay qorayso dad ku xeel dheer sida loo sameeyo wadaxaajoodka ganacsiga ee bilaaban doono markii Britain ay ka baxdo Midowga Yurub.

Wuxuu sheegay dadka inay ka mid yihiin shaqaale dowladeed oo hawlgab ahaa, iyo dad kale oo aan british ahayn oo sameeya wadaxaajoodka ganacsiga.

Mr Hammond ayaa sheegay in Britain aysan samayn karin wadaxaajood ilaa ay gudbiso (article 50) oo ah habka sharciga ee ay uga baxayso Midowga Yurub.

David Cameron, oo xilka ka degaya bari oo Arbaca ah ayaa maanta qabtay shirkiisii ugu danbeeyay ee uu la lahaa wasiirada.

Theresa May ayaa la wareegaysa xilka ra'iisal-wasaarenimada bari, ka dib markii loo doortay hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka Isniintii.