Museveni oo telefon ku hadlaya

Sawir Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo taleefon ku hadlaya isaga oo fadhiya jid weyn oo meel magaalada ka baxsan ah baabuurtiisan ay taagan yihiin halkaasi ayaa wuxuu noqday mid aad loogu hadal hayo warbaahinta bulshada.

Dadweynaha reer Uganda ayaa internet-ka soo galiyay sawirro ay iska qaadeen oo ay ku matalayaan qaabkii uu u fadhiyay iyo koofida uu xirto Museveni.

Waxay ahayd wax aan looga baran in Madaxweynuhu inta istaago meel jidka qarkiisa ah in uu telefon qabsado, halkaasi oo markii dambena ay isugu soo baxeen dadkii tuuladaasi ee ka ag dhawaa halkaasi.