Hammond oo ka hadlay dajinta dhaqaalaha

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Philip Hammond

Wasiirka cusub ee maaliyada ee Britain Philip Hammond, ayaa sheegay inuu samayn doono wax walba oo suurto gal ah si uu u sameeyo degenaansho dhaqaale ka dib markii Britain ay u codaysay inay ka baxdo Midowga Yurub.

Mr Hammond, oo ahaa wasiirkii ugu horeeyay ee ay magacawday ra'iisal-wasaaraha cusub ee Theresa May, ayaa maanta la kulmaya gudoomiyaha Bangiga dhexe ee England, Mark Carney.

Bangiga ayaa la filayaa inuu dhimo dulsaarka oo uu ka dhigo meeshii ugu hoosaysay.

Mowduucyada la xiriira