Dhimashada weerarka Nice oo 84 gaartay

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ugu yaraan 84 ruux oo qaarkood caruur yihiin ayaa dhintay kaddib markii gaari xamuul ah la jiir siiyay dad u dabaaldegayay munaasabadda Maalinta Bastille.

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, ayaa sheegay in aan sinaba loo diidi karin in dhacdadani ay ahayd weerar argagixiso.

Rai'sal wasaaraha Faransiiska Manuel Valls ayaa ku dhawaqay saddex maalmood oo aas qaran ah oo Sabtida ka bilaabanaysa.

Lahaanshaha sawirka Getty

Dacwad oogaha Nice, Jean-Michel Pretre, ayaa sheegay in gaariga uu xawaaro dheer dadka ku dhexmarayay masaafo laba kiilo mitir ah, ka hor inta aanay boolisku toogasho ku dilin darawalkii waday.

Dadkii goob joogeyaasha ahaa waxay sheegeen in darawalka gaarigu oo kolba dhan u weecinayay si geeridu u badato.

Gudaha gaariga waxaa laga dhex helay hub iyo bambooyin.

Waxaa hadda baaritaanka goobta ay wax ka dhaceen la wareegay askarta argagixiso la dagaallanka.

Madaxweyne Hollande ayaa shaaciyay in Faransiiska uu kusii jiray xaaladda degdeg ah, isla markaasna kumannaan millateri iyo boolis isugu jira ay ka qeyb qaadan doonaan sugida ammaanka dalkaasi.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegeysa in warqado aqoonsi oo gaariga laga dhex helay ay muujinayaan in darawalka uu ahaa Faransiis asal ahaan Tunisia kasoo jeeda.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption macluumaadka weerarka ayaa wali isa soo taraya

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Madaxda caalamka oo ka hadlay weerarkan

Adduunka oo dhan ayaa laga cambaareeyay weerar ka dhacay Nice, hogaamiyaha Jermalka Angela Merkel ayaa ka sheegtay kulanka madaxda Yurub iyo Aasiya in aysan sharixi karin waxa ay dareemayaan Faransiiska saaxiibadii.

Madaxwayne Obama ayaa dhacdada ku tilmaamay mid aad u qaab daran wuxuuna tilmaamay in Maraykanku garab taagan yahay Faransiiska.

Madaxwaynaha Ruushka Putin wuxuu sheegay in Ruushku uu garab taagan yahay dadka Faransiiska ee wakhtigan adag ku jira.

Markii ay soo baxday in dhalashada ninkaasi tahay Faransiis asalkiisu ka soo jeedo Tunuusiyana dawladda Tunuusiya ayaa cambaaraysay oo argagixiso ku tilmaantay.

Mowduucyada la xiriira