Soomaaliya oo cambaaraysay waxa Turkiga ka dhacay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa cambaareeyay waxa ka dhacay Turkiga

Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay isku day afgambi oo millitariga Turkigu ku dhaqaaqeen.

War ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya ayuu Xasan Sheekh ku caddeeyay in xukuumaddiisa iyo shacabka Soomaaliyeedba ay ka xumaadeed waxa ka dhacay dalka Turkiga oo uu ku oo ku tilmaamay mid ay walaalo yihiin.

Wuxuu intaas ku daray in ay taageersan yihiin Dawladda sida dimuqraadiga ah lagu soo doortay ee uu hogaanka u hayo Madaxwayne Rajab Dayib Erdogan.

Ugu dambaynna midnimo ayuu ugu baaqay masuuliyiinta Turkiga.

Soomaaliya iyo Turkiga

Dawladda Soomaaliya iyo dawladda Turkiga ayaa leh calaaqaad wanaagsan.

Sanadihii u dambeeyayna Turkigu wuxuu Soomaaliya ka fuliyayay mashaariic waawayn oo si dhab ah wax uga badashay nolosha dad badan oo Soomaali ah.

Arrintaas ayuuna Turkigu ku kasbaday quluufka xukuumadda Soomaaliya iyo dad badan oo kale oo shacab ahba.

Inkasta oo ay jiraan dad dhaliishan kaalmada Turkigu uu Soomaaliya siiyo iyaga oo su’aal galiyay sida kaalmadaasi aysan Muqdisho u dhaafsanayn inteeda badan.

Mowduucyada la xiriira