Bangaladesh oo amartay la sii hayo bare jaamacadeed

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption sawir hore

Maxkamad ku taala Bangaladhesh ayaa amartay in xabsiga lagu sii hayo afar ruux oo uu ka mid yahay bare sare oo jaamacadeed.

Bare sare Gias Uddin Ahsan ayaa lagu eedeeyay in uu gurigiisa ka kireeyay qaar ka mid ah ragii hubaysnaa ee weerarka ka gaystay makhaayaddii Dhaka ku taalay bishan horaanteedii, isaga oon macluumaadkooda la wadaagin booliiska.

Qof uu waalid u yahay iyo qofkii masuulka uga ahaa dhismahaas deegaanka ah ayaa sidoo kale la xiray.

Booliisku waxay sheegeen in raga hubaysan ay isku aruursadeen gurigiisa inta aysan weerarka soo qaadin kahor.

Shanta qof ee jihaad doonka ahaa ayaa la dilay kaddib markii ciidammo kumaandoos ah ay hawlgalgal ka fuliyeen makhaayaddii ay ku jireen.

Booliiska ayaa sidoo kale baaritaan ku haya qof kale oo leh guri labaad oo loo malaynayo in ay ku dhuumanayeen dadkaas.

Sanadkan horaantiisii ayay xukuumaddu qasab ka dhigtay in hantiileyaashu ay dawladda la wadaagaan macluumaadka qofka ay guriga ka kireeyaan si loo xakameeyo argagixisada iyo dadka dambiileyaasha ahba.

Sarkaal ayaa sheegay in booliisku uu cadayn u hayo in ragaas hubaysan ay bambooyin ku kaydsadeen guriga Ahsan.

Wax yar kaddib marii weerarka makhaayadda la soo afjarayba, booliisku waxay sheegeen in ay xireen labo ruux oo uu midkood caawiye ka ahaa jikada makhaayadda oo ku dhintay xabsiga dhexdiisa.

Qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda waxaa kale oo ay walaac ka muujiyeen meeshii ay ku dambeeyeen labo ruux oo ka badbaaday weerarkaas, kuwaas oo ay ku sheegeen in ay baadhayaashu hayaan.

Laakiin booliisku way diideen in ay xabsi ku hayaan labadaas qof.

Qaraabada labadaasi ruux waxay ku adkaysanayaan in aysan wax xidhiidh ah la lahayn weerarka ay sheegteen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Mowduucyada la xiriira