Maxaabiis laga qabsaday Puntland

Lahaanshaha sawirka
Image caption Cod bixiyayaasha oo is diiwaan galinaya doorashada Somaliland.

Taliyaha guud ee ciidamada milateriga Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqalle ayaa sheegay in ciidamada Somaliland iyo Puntland uu saaka dagaal ku dhexmaray deegaanka lagu magacaabo Boodda-Cad oo 30km dhinaca galbeedka ka xigta magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag.

Taliyaha oo war kooban soo saaray wuxuu BBC u sheegay, in ciidamo ka tirsan Puntlanad ay saaka soo weerareen ciidamada Somaliland oo deganaa saldhiga Boodda-cad.

Wuxuu sheegay generaal Ismaaciil Shaqalle, in dagaalkaas ay ka qabsadeen ku qabteen saddex baabuur iyo lix maxbuus dagaal oo uu ka mid yahay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland oo dagaalka ku jiray oo magacasiisu yahay Maxamed Canjeex.

General Ismaaciil Shaqalle faah-faahin kale ma bixin ee wuu gaabsaday, laakiin wuxuu sheegay in diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada Somaliland ka socoto deegaanada Sanaag bari oo dhan sidii loogu talo galay.

Xildhibaanada Baar Saciid oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland lagana soo doorto degmada Dhahar, oo telifoonka BBC ugu warantay ayaa sheegtay in magaalada Dhahar caadi tahay, dagaalkuna ka durugsanaa.

Warar madax banaan ayaa BBC u sheegay, in diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada Somaliland oo ka bilaabantay guud ahaan gobolka sanaag 16 july 2016, ayaa goobo ka mid ah sanaag bari siiba degmada Dhahar aanay ka qabsoomin xagga nabadgelyada awgeed oo ay deegaanadaasi ku murmaan maamulkooda Somaliland iyo Puntland.

Mowduucyada la xiriira