Turkiga oo dacwad ku oogtay 99 jeneraalo

Lahaanshaha sawirka
Image caption Ciidamada la eedeynayo oo la keenay maxkamad ku taala Istanbul

Masuuliyiinta Turkiga ayaa si rasmi ah dacwad ugu soo oogay sagaashan iyo sagaal jeneraalo oo lala xiriirinayo qaybtii ay ku lahaayeen afgambigii guuldaraystay ee milatariga.

Arrintan ayaa timid iyadoo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, uu wadahadal la yeeshay taliyayaasha milatari ee daacada u ahaa waqtigii hawlgalka afgambiga.

Waxaa la filayaa inuu ku dhawaaqo wax cusub goor dhow. Waxaa shaqada laga qaaday qaarna la xiray tobanaan kun oo askar, garsoorayaal, qareeno iyo macalimiin laga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Fethulah Gulen.

Fathullah Gulen oo saldhigiisu yahay Maraykanka ayaa dowladda ku eedeynaysaa inuu soo abaabulay afgambiga, laakiin wuu beeniyay inuu ku lug lahaa.

Mowduucyada la xiriira