Faransiiska oo taageeraya ciidammada Ciraaq

Image caption Francois Hollande,

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa sheegay in dalkiisu uu sare u qaadi doono taageerada uu siiyo ciidammada dowladda Ciraaq ee dagaalka kula jira kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka.

Wuxuu sheegay in muddo todobaad gudahiis ah in madaafiicda culus ee Faransiiska lagu gaarsiin doono dalka Ciraaq.

Wuxuu intaas ku daray in sidoo kale Markab diyaaradaha xambaara lageynayo gobalka dhamaadka bisha September.

Arrintan ayaa imaaneysa kaddib weerarkii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Nice, oo ay ku dhinteen 84-ruux.

Dadkaasi waxay dhinteen kaddib markii uu nin Tunuusiyaan ah oo gaari xaamul ah wata uu jiirsiiyay dadkaas oo joogay lagu dabaaldagayay.

Kooxda Dowladda Islaamka ayaa sheegtay in ninkaasi uu ka mid ahaa dadka taabacsan.

Hollande wuxuu si cad u sheegay in aysan haatan jirin qorshe ay ciidammo lug ah ugu dirayaan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Faransiiska ayaa hadda ku jira xaaladd dagdag ah oo lagu doonayo in lagu xakameeyo dilalka ka dhacaya dalkaasi.