Turkiga oo wakhtiga u sii kordhiyay dadka afgambiga u xiran

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dadka laga shakisan yahay ayaa la xiri karaa soddon maalmood, iyaga oon maxkamad la gaynin.

Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa kordhiyay wakhtiga la sii hayn karo dadka afgambiga looga shakisan yahay iyaga oo aan maxkamad la soo taagin.

War rasmi ah oo uu soo saaray ayuuna wakhtigaas uga dhigay muddo soddon maalmood ah.

Qoraalkaas ayaa sidoo kale lagu amray in albaabada loo laabo in kabadan 1,000 iskuul iyo 1,200 oo urur.

Arrintani waxay dabo socotaa afgambigii dhicisoobay ee todobaadkii hore kaas oo ka dhan ahaa hogaamiyaha Turkiga.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale dalka galiyay xaalad dagdag ah.

Madaxwayne Erdogan ayaa isku dayga afgambigaasi ku eedeeyay sheekh Fethullah Gulen oo Maraykanka ku nool.

Gulen wuu diiday in uu sinaba ugu luglahaa.

Mowduucyada la xiriira