Wadahadallada Suuriya oo dib loo bilaabayo

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Suuriya ayaa hadda waxaa ka jiro xaalad aad u xun oo dagaallada ay sababeen

Saraakiil sarsare oo ka socota qaramada Midoobeey, Mareykanka iyo Ruushka ayaa la filayaa in maanta ay kawada hadlaan xaaladda Suuriya.

Saraakiishan oo ku kulmaya xarunta UN ee Geneva waxa ay isla eegidoonaan sidii dib loogu soo celin lahaa wadahadallada nabadda ee Suuriya.

Wadaxaajoodyada waxay fashilmeen bishii April ee sanadkan, balse Qaramada Midoobeey waxay doonaysaa in dowlad ku meelgaar ah la dhiso.

UN ayaa xilli kama dambeys ah u qabatay dhismaha dowladdaasi, waana bilowga bisha August, in lagu heshiiyo.

Laakiin dowladda Suuriya ayaan arrintaasi ogoleyn. Maamulka Asad waxa uu ka soo horjeedaa dhismaha dowladda kale.

Dagaal aad u xoog badan ayaa weli waxa uu ka socdaa daafaha iyo gudaha magaalada ugu weyn Suuriya ee Xalab.

Hay’adaha gargaarka waxay dhankooda ka digayaan xaalad bini-aadamnimo oo aad u xun inay ka dilaacdo Xalab.

Wararka kale ee ka imaanaya Suuriya waxay sheegayaan in qarax uu ka dhacay magaalada Dimishiq.

Weriyayaha BBC-da ee Geneva waxa uu sheegayaa in saraakiisha kulmeysa ay marka hore isku deyi doonaan in dib loo soo nooleeyo xabad joojintii fashilantay.

Mowduucyada la xiriira