Falastiiniyiinta oo dacwaynaya Britain

Lahaanshaha sawirka
Image caption Wasiirka arrimaha dibadda ee Falastiiniyiinta Riad Malki ayaa sheegay in dacwadda la gayn doono maxkamad caalami ah

Masuuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa sheegay inay qorshaynayaan inay dacweeyaan Britain heshiiskii Balfour ee dhigaayay aragtida in waddan Yuhuud ah in laga sameeyo Falastiin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Falastiiniyiinta Riad Malki, ayaa sheegay in dukumentiga uu sababay in dad badan oo Yuhuud ah imaadaan dhulka Falastiiniyiinta ee uu xukumay Britishka iyadoo dadkii falastiiniyiinta dhulka laga qaaday.

Mr Malki ayaa sheegay is dacwada lagayn doono maxkamad caalami ah.

Israel ayaa ku dhawaaqday inay tahay waddan madaxbanaan 1948 ka dib markii ay dhamaatay xukunkii Britishka.

Isagoo ka hadlaya shirka Jaamacada Carabta ee ka socda Mauritania ayaa sheegay in Britain ay masuul ka ahayd danbiyada Israel tan iyo dhamaadkii 1948-dii.

Wasiirka wax faahfaahin ah kama bixn dacwadda.

Mr Malki ayaa sheegay hadalka isagoo matalaya dowladda Falastiiniyiinta Maxamud Cabaas, oo aan shirka joogin sababtoo ah walaalkiis oo dhintay dhawaan.

Heshiiska ayaa loogu magacdaray Wasiirkii arrimaha dibadda ee Britain Arthur Balfour, wuxuu balanqaaday taageerada Britain ee samaynta waddan ay leeyihiin dadka Yuhuuda

Mowduucyada la xiriira