Talyaaniga oo bilaabay olole lagu joojinayo tahriibka

Image caption Dadka ayaa Afrika ka imaada saboolnimo, dagaal ama xoriyada siyaasada awgeed.

Dowladda Talyaaniga ayaa bilawday olole ay uga hortagayso dadka ka soo haajiraya waqooyiga iyo galbeedka Afrika ee isku dayaya inay doon ku imaadaan badda si ay Yurub u imaadaan.

Waxay dawladda ololaha u isticmaalaysaa internetka, TV-ga, raadiyaha iyo baraha bulshada si ay u wadaagaan sheekooyinka dadka badda ku imaaday ee soo arkay qatarta badda iyo dilka ay kala kulmaan dadka lacagta dadka ku soo qaada.

Barnaamijka oo ay ku bixi doonto in ka badan hal milyan iyo bar oo dollar ayaa waxaa wax ka diyaariyay hayadda dadka waddamadooda ka haajira ee IMO.

Ku dhowaad sagaashan kun oo tahriibayaal ayaa imaaday Talyaaniga sanadkan ilaa waqtugan, in ka badan saddex kun ayaa badda ku dhimatay.

Mowduucyada la xiriira