Nusra Front oo xiriirka u goysay Alqacida

Lahaanshaha sawirka
Image caption Hogaamiyaha Nusra Front Abu Mohammed al-Julani ayaa ah markii ugu horaysay ee uu hadlo.

Mid ka mid ah kooxaha mucaarad Suuriya ugu wayn ee Islaamiyiinta ee Nusra Front, ayaa sheegay inay gooyeen xiriirkii ay la lahaayeen Al Qacida ayna magacooda u badalayaan Jabhat Fatax al Sham.

Hogaamiyaha Nusra Front, Abu Mohamed al Julani, ayaa sheegay in talaabadan ay meesha ka bixinayso sababta ay ciidamada ajnabiga ee ay ku jiraan Marayanka iyo Ruushka ay bomb ugu weeraraan Suuriyiinta.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Nusra Front ayaa ah mucaaradka ugu wayn Suuriya

Nusra Front ayaa ka garab dagaalamaysa kooxaha kale ee mucaaradka Suuriya iyagoo la dagaalaya ciidamada daacada u ah madaxweyne Asad.

Laakiin Maraykanka iyo waddamada kale ayaa u arka Nusra Front inay tahay argagixiso, sababtoo ah xiriirka ay la leedahay Alqacida.

Mowduucyada la xiriira