Australia oo gaabsatay taageeridda Kevin Rudd

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Murashixiin badan ayaa rajo ka qaba in ay noqdaan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

Xukuumadda Midig dhexe ee Australia ayaa ka gaabsatay in ay taageerto isku day uu ra'iisal wasaarihii hore ee xisbiga Labourka Kevin Rudd ku doonayo in uu ku noqdo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee soo socda.

Ra'iisul wasaaraaha, Malcolm Turnbull ayaa sheegay in ninkaas oo ay hore isu hayeen uusan jagadaas ku haboonayn, laakinse ma uusan sii faahfaahinin.

Dadka dhaliila Kevin Rudd ayaa ku tilmaamay in uu yahay nin aan degganayn oo awooddu ay madax martay.

Rudd oo madax ka ah mac'hadka Asia Society policy institute ee New York ayaa soo saaray hadal uu kaga noqonayo musharraxnimadiisa, uuna guul ugu rajaynayo 12ka qof ee jagadaas tartanka ugu jira.

Xoghayaha guud ee cusub ayaa la xulan doonaa bilaha soo socda.

Mowduucyada la xiriira