Qoysas ka baxay magaalada Xalab ee hareeraysan

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption dagaal ayaa la dagay magaalada Xalab

Warbaahinta dawladda Suuriya ayaa sheegtay in tiro qoysas ah ay ka bexeen meelaha hareereysan ee magaalada Xalab ee fallaagadu ay gacanta ku hayaan, ayagoo sii maray marinno nabdoon oo xukuumaddu u furtay.

Wakaaladda rasmiga ah ee ee dawladda Suuriya ee SANA iyo Tvga dawladda ayaa sii daayey sawirrada qoysas ay dumar iyo carruur kujiraan oo basas fuulaya.

Talaabadan ayaa timid labo maalmood kaddib markii uu ruushku sheegay in uu samaynayo marinno xagga bani aadminimada ah oo looga baxo xalab. Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan suuriya ayaa sheegay in ay tahay in marinadaas ay maamusho Qaramada Midoobay dagaalkana la hakiyo muddo 48 saac ah si loogu ogolaado dadku inay si nabad ah ku baxaan

Mowduucyada la xiriira