Ol'olaha Hillary oo loo "dhacay"

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Macluumaadkan loo dhacay hadda waxaa ka sii horeeyay labo kale

Ol’olaha doorashada madaxwayne nimada ee Hillary Clinton ayaa loo dhacay taas oo qayb ka ah weerar wayn oo dhanka internetka ah oo lagu hayo waaxyaha kala duwan ee xisbiga dimuqraadiga ah, sida ay ku warantay warbaahinta Maraykanku.

Saraakiil Maraykan ah ayaa aad u aaminsan in weerarka dhanka internetka ah ay ka dambeeyaan dad u shaqeeya dawladda Ruushka.

Qaarkoodna waxayba ka baqayaan in Ruushku uu saamayn ku yeesho doorashada Maraykanka.

Dawladda Ruushku way diiday in ay ku lug leedahay waxayna meesha ka saartay waxa ay ugu yeereen suntan ka dhanka ah Ruushka ee Washington ka soo yeeraysa.

Ol’olaha Clinton ayaa sheegay in barnaamijkii qiimaynta macluumaadka ee Jamcihii la baahiyay in la xaday.

Waaxda dambi baarista Maraykanka ee FBI ayaa sheegtay in ay baarayaan baaxadda ay la egtahay xatooyo kaste oo macluumaad loo dhacay.

Email-lo laga xaday gudiga qaran ee xisbiga Dimuqraadiga ayaa la baahiyay todobaadkii hore intii uu socday shirwaynaha xisbigu.

E-mail-ladaasi waxay muujinayaan in qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Dimuqraadigu in ay u janjeereen dhanka Hillary oo aysan dhexdhexaad ka ahayn tartankii hore ee ay la soo gashay Bernie Sanders.

Arrintaasi waxay horseeday in ay is casisho Debbie Wasserman Schultz oo ah gabdhii gudoomiyaha u ahayd xisbiga, kaddib markii kulankii Philadelphia lagaga cabtay arrintaas.

Mowduucyada la xiriira