Mudaaharaadyo ka socda Kinshasa

Lahaanshaha sawirka
Image caption Gudiga doorashada

Tobanaan kun oo dibed baxayaal ah ayaa mudaharaad ka wada caasimadda Kinshasa ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Waxay diidan yihiin in dib loo dhigo doorashada madaxtinimo ee la filayo in dalkaasi ay ka dhacdo bisha November.

Gudiga doorashooyinka ee dalkaasi ayaa sheegay in uu u baahan yahay 16 bilood oo uu ku diyaariyo diiwaanka codbixiyayaasha.

Mucaaradka dalkaasi ayaa rumeysan in si ula kac ah dib loogu dhigayo doorashada, si uu xilka usii hayo madaxweyne Joseph Kabila.

Dastuurka dalkaasi ayaa dhigaya in madaxweyne Kabila uu xilka ka dego dhammaadka sanadkan, balse maxkamad ayaa xukuntay in uu xilka sii hayo ilaa inta ay doorasho ka dhacayso.

Mowduucyada la xiriira