IOC oo soosaareysa diiwaanka dadka Ruushka u aadaya Rio

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Qaar kamid ah ciyaaryahanada Ruushka ayaa laga helay inay daawada Dopping ka isticmaaleen.

Guddiga caalamiga ah ee ciyaaraha Olympic-ga ayaa waxa uu ku dhawaaqay in seddax xubin oo kamid ah guddiga ay soo saari doonaan diiwaanka ciyaaryahanada Ruushka uga qeybgalaya tartamada Rio.

Ciyaaraha caalamiga ah ee Olympic-ga ayaa la filayaa in maalinta Jimcada ay ka bilowdaan dalka Brazil.

Isbuucii tagay, guddiga IOC ayaa si ballaaran loo cambaareeyay kadib markii uu ku dhawaaqay inaan Ruushka lawada xayireynin, iyadoo ay jirto eedo ku saabsan in dowladda ay maalgeliso daawada awoodda jirka kordhiso ee qaar kamid ah ciyaaryahanada lagu helay.

Guddiga ayaa go’aansaday in arrinta lagu koobo shaqsiyaadka dhiigooda laga helo daawadaasi.

Afhayeenka IOC, Mark Adams, waxa uu shir jaraa’id ka sheegay in guddiga hadda uu eegayo dhammaan kiisaska dadka u tartamaya Ruushka.

Mowduucyada la xiriira