Maraykanka oo duqaymo ka gaystay Liibiya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sawir hore

Dawladda Maraykanka ayaa qaaday weeraro dhanka cirka ah oo ay ka gaysatay goobo ay Liibiya ka joogaan kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka.

Arrintaas ayaa dabo socotay codsi ka yimid dawladda ay Qaramada Midoobay taageersan tahay ee halkaasi ka jirta sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee dalka Maraykanka.

Weeraradaas waxaa lagu bartilmaameedsaday goobo ku yaalla magaalada Sirte oo ah meel ay ku xoog badan yihiin kooxdaasi isugu yeertay Dawladda Islaamka.

Rai’sal wasaaraha Liibiya Fayez al-Sarraj oo jeediyay khudbad telefeshinka laga sii daayay ayaa sheegay in weerarkaas uu waxyeello wayn gaystay.

Quwadaha reer Galbeedka ayaa si isa soo taraysa uga walaacsanaa Dawladda Islaamka oo ku sii badanaysa dalka Liibiya.

Weeraradaas xagga cirka ah waxay noqonayaan kuwii u horeeyay ee ay Maraykanku gaystaan ee ay abaabusho dawladda qaran.

Mowduucyada la xiriira